
Waa Maxay CPU Central processing unit?
CPU waa maskaxda kumbiyuutarka. Waana halka ay ka bilaabato hawlkasta oo uu sameyneyso.
Markaad furto app, game, ama barnaamijyo, kale hawshaas oo dhan waxaa fuliya CPUga
CPU Waxaa sidoo kale loo aqoon ogyahay Processor ama Microprocessor.
Qaybtan ayaa ugu muhiimsan dhammaan qaybaha kumbiyuutarka kakoban yahay, waana meesha laga cabbiro xawaaraha iyo awoodda uu leeyahay computerka.
Tusaale ahaan, haddii kumbiyuutarku yahay Core i5 3.0 GHz, micnaheedu waa processor-kaas wuxuu sameeyaa 3 bilyan wareeg halkii ilbiriqsi ba.
Sidee Ayuu u Shaqeeyaa?

CPU-gu wuxuu u shaqeeyaa si degdeg ah oo nidaamsan.
Marka uu appka amaro diro, CPU-ga ayaa marka hore akhriya (fetch),isla markiiba waxaa fahma (decode), kadibna waxaa amrkaas fulinaya (execute).
waxaso shaqo ah waxee ku dhacda bilyano jeer halkii ilbiriqsi ba, taas oo ka dhigta kumbiyuutarka mid degdeg u jawaaba markaad barnamin isticmaleyso
Qaybaha Ugu Muhiimsan

Processor-ka waxa uu ka kooban yahay qaybo dhowr ah oo wada shaqeeya.
Control Unit ayaa maamusha amarrada iyo xogta gudaha, halka ALU ay qabato xisaabinta iyo falalka logic-ga ah. sido kale Registers waa meel yar oo CPU-gu xogta degdega ah ku keydiyo inta uu shaqada ku gudo jiro.
Noocyada Processor-rada

Maanta waxaa jira shirkado dhowr ah oo soo saara CPU-yada.
Kuwa ugu caansana waxaa kamid ah Intel, AMD, Apple, iyo shirkadaha soo sara cpuga moobilada sida Qualcomm iyo MediaTek.
Intel waxay caan ku tahay taxanaha Core i3, i5, i7 iyo i9.
AMDna waxay soo saartaa Ryzen iyo Threadripper, kuwaas oo caan ku ah cores badan iyo qiimo jaban.
Apple waxay isticmaashaa chips-keeda M1 iyo M2 ee ku dhisan ARM architecture.
Jiil kasta oo cusub wuxuu ka awood badan yahay kii ka horeeyay, sababtoo ah tiknoolajiyada ayaa si joogto ah u horumaraysa.
Gabagabo

CPUga waa halka ay ka timaado awoodda iyo xawaaraha kumbiyuutarka.
Haddii uu processor-ku liito, hawlaha oo dhan way gaabinayaan.
Marka tignoolajiyada sida AI iyo Quantum Computing ay sii korayaan, CPU-yadu waxay sii noqonayaan kuwo awood badan, degdeg ah, isla markaana tamar yar isticmaala.
